April 4, 2015 | Posted by admin

Inkastoo ay Dowlada Kenya la tacaaleyso dabiibka iyo aaska dadkii ku waxyeeloobay Weerarkii ay Alshabaab ku qabsadeen Jaamacadda Gaarisa, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar kala duwan oo la xiriira ragii fuliyay weerarka.

Dowlada Kenya oo waqti badan ku bixineyso helida xogo la xiriira dhalinyarada fulisay weerarka iyo halka laga soo abaabulay, ayaa waxa ay qorox dhicii maanta soo bandhigtay Magacyo iyo Sawiro qaar kamid ah dhalinyaradii ka qeybqaadatay weerarka.

Magacyada ay soo bandhigtay Dowlada Kenya ayaa waxaa kamid ah:

Muumin Abdalla Muumin, Suleiman Mohamed Awadh, Abdifatah Abubakar Abdi aka Musa Muhajirm, Abdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed and Mahir Khalid Rizik.
terror
Geesta kale, Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay Weerarka lagu dilay 147-da Ruux laguna dhaawacay 80ka kale mid waxuusnimo ah balse Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la qoro 10 Kun oo Askari kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono sugida amaanka kadib markii Al Shabaab ay Weerar khasaaro badan geystay ay ka fuliyeen Magaalada Gaarisa.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Gaarisa ayaa sheegay Ciidamada Dowlaadda Kenya ay halkaasi ku soo rageen bandow maadaama weli Meydad kale oo dheeraad ah laga soo bixinayo gudaha Jaamacadda Magaalada Gaarisa.

COMMENTS