November 13, 2012 | Posted by admin

FIDNO WADAYAAL QABIIL BAL DAAWO DADKAN XANUUNSAN

Jaaliyadaha Soomaaliyeed kuwooda qurbaha ku nool ayaa mar kasta dhigta shirar iyo Xaflado aad loo soo agaasimay balse iminka Shir ay iskugu yimaadeen rag u badnaa odayaal oo aad u taageerayay maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka dhacay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Muuqaalkaan oo wajiyo fara badan Xambaarsan ma aheeyn mid Siyaasad ahaan si wanaagsan looga soo shaqeeyay ama looga soo fakaray, maxaa yeelay ragii ka hadlay isku soo baxaan ayaa si toos ah waxa ay iskugu qaldeen Siyaasada Dawlada ee gobolada Jubooyinka iyo awooda Maamulka Puntland.

Sida la wada ogyahay Dawlada Soomaaliyeed waxaa aqoonsan Caalamka oo idil wax aysan raali ka aheeyna aad ayay u adag tahay in laga hir galiyo dalka Somalia balse mid ka mid ah ragii ka hadlay Xafladaan ayaa waxa uu sheegay in Dawlada Soomaaliyeed laga soo abaabulay Garoowe.

Hadaladii shirkaan oo u badnaa Hanjabaad ka dhan ah Dawlada Soomaaliyeed ayaa hadane waxaa bar bar socday iska hor keenida Qabaailda dega gobolada Jubooyinka kuwaas oo lagu sheegay in laga xukumo dhanka maamulka Puntland wax Puntland aysan ogeeyna aanan laga aqoonsan doonin gobolada Jubooyinka.

Xafladaan oo lagu sheegay mid lagu soo dhaweenayay Abwaan ayaa ugu dambeeyntii waxa ay noqotay mid lagu hurinayay Colaad cusub waxaana goobtaas hadalo dad badan ay la yaabeen ka jeediyay Rag horay u sheegay in ay Dawlada iyo awoodeeda lugta ku qasi doonaan maadaama xilkii Raisul wasaaraha Somalia la siiyay ruux aanan u dhalan deegaanada Puntland. 

Abukar Maxamed Maxamud Xafiiska
Shabakadda Allbanaadir.com
Gothenburg-Swedan
[email protected]

COMMENTS