September 24, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa khadka telefoonka kala hadley Kumanaan Soomali ah oo kaqayb qadanaayey Xaflad lagu tageerayey asaga, oo kadhacdey magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Jaaliyada Soomaalida Minnisota ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay qabteen xaflad lagu taageerayo madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyada oo ay xaflada ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa xaflada si weyn u camiray kumanaan dad ah oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee gobolka iyaga oo lalminayay Calanka Jamhuriyada Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Xaflada waxaa kaalin muuqata ka ciyaarayay fanaanin Soomaaliyeed oo qaadayay heeso wadaniyadeed iyaga oo si habsamileh isugu badalayay kaalimaha sugaanta sida Heesaha, Majaajilada iyo Gabayada, isla markaana saro u qaadayay dareenka ka soo qaybgalayaasha.

Aqoonyahano Qurba joog ah ayaa waxa ay mudadii xafladu socotay ka hadleen xaalado badan oo ay ka mid tahay marxalada uu iminka dalka marayo iyo wadadii dheerayd ee la soo maray, waxa ayna ugu baaqeen madaxweynaha cusub oo laf ahaantiisu qadka Telfonka uga qayb qaadanayay xaflada in uu la yimaado isbadal si aan loo xasuusan waxyeeladii la soo maray.

Waxa ay farta ku wada fiiqeen in dhibaato nidaam la’aan iyo fowdo intii ku filan ay Soomaalidu soo martay iminkana ay sugayaan is badal.

“Waxaa dhacay cadaalad daro, waxaa dhacay dil, waxaa dhacay kufsi, waxaa dhacay Musuq maasuq, waxaa la qaatay hantidii dad weynahan, waxaa luntay kalsoonidii, dhamaan badalkooda oo wanaag ah ayaan kaaga fadhinaa inaga oo garab ku siinayna hadii aadan yeeli doonin inta ay goori goor tahay naga horwareeg” Waxaa sidaa ku qaylinayay mid ka mid ah aqoonyahanada ka hadaley xaflada.

Xildhibaan Maxamed Axmed Kaynaan oo ka mid ah xildhibanada cusub ee qaranka kuna sugnaa goobta xafladu ay ka socotay ayaa waxa uu madaxweynaha ku soo dhaweeyay xaflada iyo in uu dadka la hadlo.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qadka Telfonka uga qayb qaadanayay xaflada ayaa waxa uu ka soo qaybgalayashoo xalfada uga hanbalyeeyay taageerada ay dowlada soomaaliya u muujinayaan iyo sida ay isaga u taageereen doorashadii la doortay, waxa uu madaxweynuhu ugu yeeray qurba joogta Maraykanka iyo Caalamka intiisa kale in ay dalka ku so laabtaan isla markaana ay dalkooda ku soo celiyaan Aqoontooda, Xoolahooda, Caqligooda, iyo Awoodooda, si loo helo ayuu yiri umad faham ka haysata qaabka ay dunida hourmartay u nooshahay.

Waxa uu madaxweynuhu Tusaale u soo qaatay 21 kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya waxa ay ku nooleeyd dadka dagaaladu la dageena ka dhiman wayeen in ay ahayeen qurba joogta iminkana looga bahanyahay in ay gacan ka gaystaan dib u noolaynta qaranka.

“Waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan dalkiina ku soo laabta waxna u qabta waxna ka qabsada, u muujiya shacabkiina in ay Nolol jirto, dalka ha uga taginina kuwo duminaya ama dilaya lakin taa badalkeeda la imaada oo ku xisaabtama in aad dal leedihiin” Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ku celiyay in uu ku faraxsanyahay Taageerada Soomaalida maraykanka.

Xafladani waxa ka horeysay midii lagu qabtay Rochester, MN tana waxay ahayd tii 2-AAD ee ay soomaalida Maraykanku ku taageereen madaxweynaha Soomaaliya iyada oo xaflad midaan la mid ah ay qaban qaabadeeda ka socoto gobolka 2aad ee ugu soomaalida badan Maraykanka ee Ohio.

Abdi Sheikh Hassan kulmiye (Abdiyare)

Minneapolis Minnesota

Dalka Maraykanka

COMMENTS