Ururka Alshabaab ayaa markii ugu horeysay waxay soo bandhigtey qaabkii loo dilay iyo cidii ka dambeysay shirqoolkii lagu dilay sarkaal ka tirsanaan jirey kooxdooda oo horaantii sanadkaan lagu dilay weerar iyo duqeyn ay u geysteen diyaaradaha dalka Mareykanka.
Warbaahinta Alshabaab ayaa waxay markii ugu horeysay ay soo bandhigtey ninkii fududeeyey weerarkii lagu dilay sarkaal sare oo ka trirsanaan jirey kooxdaas oo lagu magacaabi jirey Sahal Isku-dhuuq laakiinse magaciisa saxda ah lagu sheegayin la oran jirey Axmed Cabdulqaadir, Sarkaalkaan ayaa diyaaradaha Droneska ee dalkaas Mareykanka waxay ku dileen dhamaaadkii bishii Janaayo ee sanadkaan, Muuqaalka la soo bandhigay ayaa waxa ka muuqda nin lagu magacaabo Cumar Maxamed Kheyre oo asagu sheegay inuu ku lug lahaa shirqoolkii lagu dilay sarkaalkaas lagu magacaabi jirey Sahal Isku-dhuuq , Ninkaan ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qaabka ay u fuliyeen asaga iyo rag kale asagoo sidoo kalena sheegay in loo balan qaaday lacag gaareyso hal milyan oo doolar in la siin doono hadii ay fuliyaan arintaas
Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas ka tirsan Ururka Alshabaab uu sheegay qaabka ay u fuliyeen shirqoolka lagu dilay salkaas lagu magacaabi jirey Sahal Isku-dhuuq ayaa sidoo kale waxaa uu ninkaas sheegay cida u soo irtey qorshaha lagu dilaayey sarkaalkaas ka tirsanan jirey kooxda Alshabaab, Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay in lacagta loo balan qaaday oo ahayd ilaa iyo hal Milyan oo doolar ay ka soo gaartay 700 oo doolar oo kaliya, Sarkaalkaan lagu magacaabi jirey Sahal Isku-dhuuq ayaa waxaa uu ka tirsanaan jirey qeybta Sirdoonka iyo Amniyaatka kooxda Alshabaab.