May 22, 2015 | Posted by admin

Bankigii ugu horeeyey oo u shaqeynaayo heer Caalami ah ayaa waxaa la sheegay in laga furey magaalada Muqdisho iyadoona xafladii lagu daah furaayey Bankigaas uu xariga ka jarey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay ka soo qeyb galeen madax iyo masuuliyiin sare oo ka kala socotey dalka gudhiisa iyo dibadiisaba.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu xarigga ka jaray Bangiga ugu horeeyey ee uga shaqeynaayo dalka Soomaaliya heer caalami ah islamarkaana qabanaayo shaqooyin la mid ah kuwa ay qabtaan Bankiyada aduunka, Bankigaan oo lagu magacaabo Bangiga Premiere ama Premiere Bank ayaa waxaa uu yahay mid la jaan qaadaayo hababka casriga ah ee ay u shaqeeyaan Bankiyada Aduunka asagoona ku shaqeyn doono hab dhaqanka adeegyada maaliyadeedka ee loo yaqaan SWIFT iyo MasterCard habkaas oo ah kan lagu maareeyo dhaq dhaqaaqa lacagaha kaas oo ayna isticmaalaan Bankiyada aduunka laakiinse ah mid ku cusub dalka Soomaaliya oo aan horey looga isticmaali jirin.

Ugu dambeyntiina iyadoo munaasabadii lagu furaayey Bankigaas Premiere Bank ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin iyo madax kala duwan oo ka kala socotey dalka gudihiisa iyo dibadiisa islamarkaana ay hadalo kala duwan ay ka jeediyeen munaasabadaas ayaa agaasimaha guud ee Bankigaas Mahad Maxamed oo ka hadlay munaasabadaas waxaa uu sheegay inuu ugu bishaareynaayo macaamiishiisa Bnakigaas inuu Bankigu uu leeyehay Bankiyo Caalami ah oo ay wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxayso asagoona sidoo kale sheegay inay macaamiisha Bankigaas ay awood u leeyihii inay lacag u diraan aduunka dacaladiisa ayagoo adeegsanaayo adeega Baniga cusb ee lagu magacaabo Premiere Bank.

COMMENTS