October 8, 2012 | Posted by admin

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Kenya Musalia Mudavadi oo sidoo kale ka mid ah dadka u tartami doona xilka madaxtinimada ayaa barnaamijka BBC-da ee Hard-Talk waxaa lagu weydiiyay goormee ciidankiinu kasoo baxayaan gudaha Soomaaliya.

Jawaabta Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Kenya Musalia Mudavadi ayaa noqotay mid dad badan oo Soomaali ah ka yaabisay martkii uu sheegay in ciidankoodu aaney waligood kasoo bixi doonin Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowlada Kenya ay qorshe dheer ku gashay Soomaaliya uusana rajeynayayn in hada ay ciidankoodu diyaar u ahayn inay ka soo baxaan, waxuuna sababo uga dhigay inay ku waayeen ciidamo badan hanti farabadana uga baxday gelista dalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa cadeynaya wararkii sheegayay in Kenya ay dano gooni ah usoo gashay Dalka Soomaaliya.

DAAWO: Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador. Mohamed Ali Ameerika oo waraysi la yeesheen idaacada KTN ee laga lee yahay Kenya, waxuu sheegay in Ciidamada Kenya ka baxayaan dalka Soomaaliya sababtoo ah Soomaaliya waxaa u dhalatay dowlad Federaal ah oo buuxda xaquuqna u leh inay masuul ka tahay inay ilaaliso xaquuqda dadka iyo dhulkaba.

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA
MUKTAR KATIITOW

COMMENTS