January 9, 2013 | Posted by admin

Markale ayaa Abuu Mansuur Al-Amriiki fartiin muuqaal ah soo dhigay barta Youtube, iyadoo fariintan ay daba socotay mid uu bartamihii sanadkii hore uu soo diray, kaasoo uu ku sheegay in naftiisa ay qatar ku jirto.

Fariinta Abuu Mansuur Al-Amriiki oo socotay hal daqiiqo ayaa cinwaankeedu ahaa The Final Appeal (Codsigii u dambeeyay), isagoo sheegay in xaaladiisa ay sii xumaaneyso, isla markaana wali ay halis ku jirto.

Inkastoo fariintiisa aheyd mid aad u gaaban kuna hadlayay Afka Carabiga ayaa waxaa uu ku baaqayay in la isu naxariisto.

War dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Abuu Mansuur Al-Amriiki aanu matalin, isla markaana aanu ku hadli karin Afka Muhaajiriinta (Ajaaniibta) Al-Shabaab, taasoo muujineysay sida ay isaga bari-yeeleen.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu cadeeyay in fariimaha Abuu Mansuur ay ahaayeen kuwo is muujin ah, isla markaana waxa ay Warbaahinta ugu yeerto ee ah Dagaal geliye ama khabiir aanu midna aheyn.

Ninkan ka soo jeeda Gobolka Alabama oo magaciisa dhabta yahay Omah Hammami ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2006-dii, iyadoo lagu arkay muuqaalo isagoo ka bar bar dagaalamaya dagaalyahanada Shabaab.

COMMENTS