January 26, 2015 | Posted by admin

Qoraalo lagu soo bandhigay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in Maleeshiyada Daacish ay u xuubsiibaneyso kordhinta awoodaha ay ku leeyihiin Ciraaq iyo Syria.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Daacish ay Safiiro iyo Sirdoon gaar ah ku yeelan doonto Wadamada carabta gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha.

Wadamada ay ku yeelan doonaan ayaa waxaa kamid ah Niger, Nageria, Kenya, Tunisiya, Algeria kuwaasi oo ay ku sheegen inay fariisimo ku yeelan doonaan, islamarkaana ay kala socon doonaan dhaqdhaqaaqyada dowladaha reer galbeedka ee faragalinta ku hayo mabda’ ooda.

Waxa ay tani imaaneysaa xili dhawaan ay sameysteen Baasabooro astaan looga dhigay Calanka madoow, kaasi oo ay ugu kala gooshi doonaan goobaha ay ka arimiyaan, inkastoo Caalamku uu dadaal xoogan ku bixinaayo ciribtirkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Daacish ayaa waxa ay hadda si rasmi ah uga arimisaa dalalka Ciraaq iyo Syria oo ay ragaadiyeen colaadaha gaamuray.

COMMENTS