May 24, 2017 | Posted by admin

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Daacish kana dagaalnta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii xalay ka dhacay Xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso Gaar ahaan Bar koontarool.

War Kasoo baxay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in ay weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Daacish kuwaa soo ku sugan degaanada maamulka Puntland gaar ahaan gobolka Bari.

Kooxda ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ku dishay Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Weerarkaas oo ka dhacay wadada Mashquulka badan ee dhex-marta bartamaha magaalada Boosaaso, ayaa lala eegtay bar-kantarool oo ay dhigteen ciidanka ammaanka.

Qaraxan oo ahaa mid Ismaamiidin ah ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gen. C/xakiin ayaa waxa uu sheegay Qaraxaasi in ay ku dhinteen ilaa 5 Qof, oo Labo ka mid ah ahaayeen Dhalinyaro, halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 9 Qof.

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegatay Weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed daacad muqdisho.
[email protected].

COMMENTS