May 16, 2015 | Posted by admin

Mintidiinta Khilaafada Islaamiga ayaa xoog ku galay xerada dhismaha ugu weyn ee xukuumadda iyo booliska, ee ku yaalla bartamaha magaalada Ciraaq ee Ramadi.
Dagaalyahannada Daacish, waxay jabiyeen difaacyada xerada, kaddib markii ay ku qaadeen weerarro, gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Calankooda madow ayaa iminka ka dul babbanaya xarumaha booliska, waxayna guul kaga dhawaaqeen samaacadaha masaajidda halkaa ku yaalla.
Sidaasoo ay tahayna warbixinno ayaa sheegaya in weli dagaal uu ka socdo qaybo ka tirsan Ramadi.
Ramadi waa magaalo leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna tahay xarunta gobolka ugu weyn ciraaq ee Anbar.

COMMENTS