June 10, 2015 | Posted by admin

Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan xadgubyada jinsiga Zaynab Xaawa Bangura ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Daacish ay gabdhaha yaryar ku iibiyaan suuqyada sidii adoomaha oo kale.

Ergayga ayaa ku dartay in mararka qaar ayba dhacdo in gabadh yar la siisto lacaag ka yar tan lagu iibsado baakidh sigaara.

Zainab Bangura ayaa ku tilmaantay in Daacish ay dagaalkooda u adeegsan ku xadgudbka haweenka.

Warbixin iyo waraysi arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

COMMENTS