May 20, 2015 | Posted by admin

Dowladda Khilaafada Islaamka, ayaa waxay saacado yar ka hor ay la wareegtay inta badan gacan ku haynta Magaalada Casuuraddii Saxaraha lagu naaneyso ee Palmyra.

Palmyra waxay ku taallaa Waqooyi Bari Syria, waxayna caan ku tahay dhismooyinka qadiimiga ah, iyadoo sanado ka hor dalxiis ahaan loogu taggi jiray.

Maleeshiyo hubeysan oo taageersan Dowladda Syria, ayaa maalmahaanba difaacaayay Magaalada Palmyra, ha yeeshee Daacish oo ciidan xoog leh keentay, ayaa waxay suurta gelisay in lagala wareego.

Telefishinka Syria, ayaa waxa uu caawa tebiyay in Daacish ay qabsatay Magaalada Palmyra, Dowladduna ay ka walwalsan tahay inay burburiyaan goobaha taariikhiga ah ee ku yaala.

Daacish, ayaa waxay horey ugu goodisay in dalalka Ciraaq iyo Sryria ay ka burburin doonto dhismooyinka qadiimiga ah, oo ay ku sheegtay macbadyo shaydaan.

Qaramada Midoobe, ayaa waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay burburin ay Daacish u geysato dhismooyinka qadiimiga ah, oo la isticmaali jiray Ilbaxnimada Islaamka ka hor

COMMENTS