March 9, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Guddoomiyaha degmada Wadajir ee maamulka Gobolka Banaadir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ku eedeeyay falal dilal ah oo degmada ka dhacay in ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata.
Axmed Daaci oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dilalkii ka dhacay degmada Wadajir inay ku lug lahaayeen dad uusan magacaabin oo uu sheegay inay wataan dano siyaasadeed, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka soo horjeedaan horumarka ay degmadu gaartay.
Guddoomiyaha ayaa meesha ka saaray in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka dambeyso dilalkii ka dhacay Wadajir, wuxuuna xaqiijiyay inay baaritaanno wadaan, isla markaana ay sharciga hor keeni doonaan ciddii ay ku caddaato.
Shacabka ku nool degmada ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan maamulka sugidda ammaanka iyo in laga hortago kuwa dhibaatooyinka geysanaya.
Degmada Wadajir ayaa dhowaan dilal loogu geystay weriyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

COMMENTS