February 20, 2017 | Posted by admin

Cumar faaruuq oo inta badan Warbaahinta Madaxa Banaan aysan Taageersaneen Weriyaasha Qaar kood Mooyee ayaa waxa uu weday Kulamo iyo dadaalo uu ku soo jiidanayo Qaar ka mid ah Weriyaasha Muqdisho ka Howlgala.

Tiro Suxufiyiin ah ayuu la kulmay waxa uuna kala hadlay dib usoo celinta Hogaanka NOSOJ oo xiligaan isku rabo Cumar Faaruuq sida laga dheehan karo Dadaalada uu wado.

Sidoo kale waxaa Jirta ID.CARD cusub oo uqaybiyay Tiro Weriyaal ah oo aan Cara baabeen kuwaas oo Xiligaan Qaar kood ay Wadaan Qorshe Xilka Looga qaadayo Maxamed Ibraahim Mocalimo Xog-hayaha Noson ee Horay Loogu Doortay Muqdisho.

Weriyaasha Muqdisho qaar kood ayaa U arka Macalimoo in uusan Sidii Loogu Talagay ugudan shaqadii looga baahnaa.

Hada waxaa socda Dadaalo Kala duwan oo ay wadaan Faaruuq Iyo saxafiyiin, Weriyasha ayaa hada Doonaya in ay ku kulmaan Muqdisho kana shiraan Hogaanka Nosoj cida ku haboon.

Cumar Faaruuq ayaa hada weriyaasha Ku sa sabanaya In uu Siminaara siinayo Ku dhawaad 30 weriye sida aan Ka soo xiganay ila ku dhaw dhaw.

Macalimoo ilaa iyo Hada Ma qaadin Tilaabo Farta lagu Fiiqi karo Marka laga Reeb qaar ka mid ah weriyaal Xabsi laga siidaayay.

Si kastaba Ha ahaatee Xaalka NOSOJ ayaa la is dhihi Karaa waxuu Faraqa ugu Jira mudo Wasaarada Warfaafinta iyo Xubna ka tirsan Dowlada Hasa Yeeshee lama oga Meesha uu ku sambeen Doono.

COMMENTS