December 17, 2014 | Posted by admin

20141217635544103785869733IB0A5460
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor-dhow u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay xafladdii uu ku magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo Cumar C/rashiid uu u gudan doono howshiisa si sharciga waafaqsan oo aan musuqmaasuq lahayn.

“Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan u magacaabo danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cumar waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo, horayna wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay xafladdii magacaabidda oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka oo uu ku jiro guddoomiyahooda.

Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray. “Inkastoo dastuurka uu awood ii siinayo inaan kaligay soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, haddana go’aankan markaan gaarayay waxaan tix-geliyay aragtida Soomaalida kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda.”

Danjire Cumar C/rashiid ayaa dhawaan loo magacaabay danjiraha Somalia u fadhiya dalka Maraykanka, isagoo noqday danjirihii ugu horreeyay ee ay u magacowdo inuu safiir uga noqdo Maraykanka tan iyo sannadkii 1991-kii.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaarahuna waa madaxa xukuumadda, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan wasiirrada iyo wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu talao-galay, iyadoo aan musuq-maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

DHAGEYSO: Khudbaddii uu Jeediyay Cumar C/rashiid Magacaabidiisa Kaddib

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay. “Somalia waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhowr arrimood oo taagan oo la xariira amniga, siyaasadda iyo horumarka guud. Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg-deg ah loo fuliyo geeddi-socodka Qaran dhisidda sida uu qabo higsiga 2016-ka, sugidda amniga iyo in dhaqso ah loo hirgeliyo tallaabooyinka horumarka ee ku xusan heshiiska Higsiga Cusub (The New Deal, Somali Compact).”

Dhanka kale, madaxwenaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu danjire Cumar C/rashiid xanbaarsan yahay mas’uuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan golaha wasiirrada, waxaana sii adkeyn doonaa buu yiri horumarkii la sameeyay labadii sano ee lasoo gudbay. Isagoo yiri. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado nabad iyo horumar inaanan lagu gaarin si fudud, balse loo baahan yahay shaqo adag, heelanaan iyo dadaal dheeraad ah.”

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inuu ku kalsoon yahay inuu ra’iisul wasaaraha cusub aanu nasan doonin illaa iyo inta ammaan, xasillooni iyo horumar la gaarsiinayo guud ahaan Soomaaliya.

Magacaabiddan ayaa imaanaysa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay in loo magacaabi doono xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo la xusuusto inuu horay ra’iisul wasaare uga soo noqday dowladihii KMG-ka ahaa intii u dhexeysay 2009-kii illaa 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii ay wada-shaqeynayeen xilligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sharma’arke ayaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Somalia si codka kalsoonida loo siiyo, markaasoo uu soo dhisi xukuumad cusub, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii sadexaad ee uu magacaabo Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo dhashay sannadkii 1960-kii ayaa ah 54-jir ayaa haysta dhalashada dalka Canada. Wuxuuna cilmiyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/Dec/wararka_maanta17-89387.htm#sthash.u8NE6JHh.dpuf

COMMENTS
  1. Eerible Faranfar said:

    MARREEXAAN BADOW BUU NOQDAY. SADDEX
    JEER BAA LA SIIYAY RAIISULWASAARE.
    MICNAHA LOO SIIYAY BUU GARAN WAAYAY.
    MA GUDBE AYUU NOQDAY.
    WUXUU DIIDAY INUU HAWIYE U QABBAANO.
    MAJEERTEEN AYAA HADDA LAGU BEDDELAY
    OO U ADEEGI YAQAAN MUDDECNIMO IYO
    DHINAC KASTA.

    MARREEXAANOW, IS-WEYDII:
    MAJEERTEEN MAANTA MA KU XUSUUSTAA. MEEL
    MA KUGU SHEEGAA.
    ISGAAN KAA ADEEJINEYAA OO KAA JAASINAAYA
    WIXII AAD SOO MARSIISAY 21-KII SANO EE
    SIYAAD BARRE.