June 25, 2015 | Posted by admin

Qar ka mid ah culimaa’uddiinka Puntland ayaa gaaray deegaan Qarxis ee gobolka Nugaal,halka oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Puntland iyo ciidan ka amar qaata Jen. Muxiyadiin.

Deegaanka waxaa maalmihii dambe ka tagneeyd saan saan colaadeed,balse qaar kamid ah culimaa’uddiinka Puntland ayaa kala dhex-galay ciidamada uu hoggaaminayo Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse ee ku sugan duleedka degmada Qarxis iyo ciidan kale oo dowladdu u dirtey inay Jen. Muxiyadiin soo qabtaan.

Culimaa’uddiinka gaaray deegaanka Qarxis,waxaa hoggaaminaya Sheekh Axmed Daahir waxuuna sheegay ujeedka ay deegaanka u tageen inay tahay xal u helida xiisada halka ka taagan.

Waxuu sheegay si loo gaaro xal nabadeed inay la kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan oo ay u sheegeen inay muhiimtahay si nabad ah in lugu xalliyo wax walba oo ay isku hayaan.

“Waxay labada dhinacba noo ballan-qaadeen markii an la hadalnay inaysan wax dagaal ah qaadi doonin,”ayuu yiri Sheekh Axmed Daahir oo marka la hadlayay raadiyaha Garoowe.303x203x560x374xIMG_6871.jpg,Mic_.v8o_8FSP-d.jpg.pagespeed.ic.J2aVYSYghI

Sheekh Axmed Daahir waxuu sheegay si looga baaqsado dagaal halka ka dhaca inay muhiimtahay madaxda dhaqanka iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda xaaladda inay faraha la soo gaalan oo xal nabadeed la gaaro.

“Waa muhiim wax walba in qab nabadeed lugu dhameeyo si meesha looga saaro dagaal in wax lugu baadi goobo,waxaana ugu baaqaya madaxda dhaqanka iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda inay arrinta faraha la soo galan si xal loo gaaro,”ayuu ku daray hadalkiisa,Sheekh Axmed Daahir.

Dhinaca kale,waan-waantan nabadeed waxaa ay ku soo aadaysa xilli saddexdii maalin ee ugu dambeysay ciidanka Jen.Muxiyadiin ku biiray ku dhowaad labo boqol oo askari, kuwaasoo isugu jira ciidamo ka gadooday kuwa dowaldda, askar horay uga tirasanaan jirey ciidanka dowladda iyo dhallinyaro iska abaabushey tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Qarxis iyo Eyl.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa amar ku siiyay ciidamada ammaanka inay soo qabtaan taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland kaaso muddooyinkii dambe ku jiray gadood,kaddib khilaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha.

COMMENTS