March 17, 2017 | Posted by admin

Gudoomiyaha Tuulada Daymasame Sure Axmed Shabeeloow Ayaa sheegay in Cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay qaybo ka mid ah Gobalka sh/dhaxe gaar ahaan Tuulada uu Gudoomiyaha Ka yahay.

Waxa uu sheegay in uu soo riday dad kala duwan oo Caruur ubadan waxa uuna sheegay in ay ku raja wayn yihiin in dadkaasi la soo gaarsiiyo Magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Dayma same ayaa dhanka kale sheegay in ay muhiim tahay in dadkaasi la gar gaaro Maadaama uu yahay Cudurkaasi mid halis ah.

Cudurka shuban biyoodka oo inta badan ka dilaacay dhawaan Gobalada dalka qaar kood ayaa dad badan Ku dilay Gooba ay ka mid Tahay Hirshabeelle iyo Konfur galbeed.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS