January 9, 2013 | Posted by admin


Madaxweynaha maamulka Puntland ee waqtigiisa uu dhamaaday C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in mudadii afarta sano aheyd ee uu haaye talada Puntland uu qabtay waxyaabo dhowr ah.

Xilli dadka qaar ee kasoo jeeda deeganada maamulka Puntland ay dhaliileen waxqabadka Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Faroole ayaa xilli uu xalay khudbad ka jeedinaye Faroole xaflad ka dhacday Boosaaso wuxuu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay waxqabad ballaaran uu muujiyay.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu wax ka qabtay dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha la dagaalanka Burcada badaha iyo sidoo kale horumarinta siyaasada deeganada maamulkaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay ka qeyb qaadatay ka bixida KMG Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iminka ka jira.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa hadalkaan xalay wuxuu ka sheegay xilli uu ka hadlaye xaflad ka dhacday madaxtooyada Boosaaso halkaasi oo uu ugu dabaaldagaye 4-sanoguuradii kasoo wareegatay markii maamulkaasi uu uqabtay talada oo shalay ku ekeyd.

COMMENTS