September 10, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha ee ka dhacday maanta Muqdisho.
Faroole oo ka soo laabtay safaro uu ku kala tagay wadamada Ethiopia iyo Djibouti ayaa ugu horreyn u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku guuleestay doorashada madaxweynaha.
“ Waxa aan aad ugu faraxsanahay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya iyo guusha weyn ee uu gaaray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoon yahan waxbadan u taraya dadka Soomaaliyeed” ayuu sheegay Faroole oo caawa la hadlaayay BBC-da.

COMMENTS