DUHUR-Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka hadlay arrimaha Dastuurka Soomaaliya, waxana uuna sheegay in Puntland ay diyaarinayso xubno tayo fiican leh oo qeyb ka noqda golaha baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya maamul goboleedka Puntland.
“Annaga ayaa gaarnay heshiiska, annaga ayaana u xilsaarneyn in la dhameystiro dastuurka hadda inaan ku filnaaan weynay, waa jirtaa oo waxa weeye dowladda Soomaaliya ee dhalan doonta ama hadda jirta ee cahdiga illaa sanadkii 2004-tii ka soo bilaabmatay, waxa uu ahaa dowlad Fedaraal inay noqotoq go’aamada siyaasadeed iyo dhaqaalaha waxa go’aamiya haddii ay dowlad fedaraal tahay dowladaha dhalan doona ayaa go’aankaas qaadan doona, dowladda Fedaraalka uma madaxbanaana inay heshiisyo caalami ah gasho, intaas dib ayaa loo dhigay oo wixii ku saabsan qaabka wax qeybsiga dhaqaalaha iyo awood qeybsiga siyaasadeed dhameystirkiisa waxa aan ku soo gaarka Nairobi howl adag ayey aheyd naftirkeeda waxa uu ahaa document la saxiixay UN-ka ayaa ballan qaaday inay meel marin doonaan damiin in sidaas loo dhameestiray ay noqoto” ayuu yiriFaroole.
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay ergada Puntland uga qeybgaleysa ansixinta dastuurka Soomaaliya iyo Baarlamaanka cusub wuxuna yiri “Waxa nagu dhiman waxa weeye inaan soo xulno madaxdii ku habooneyd Soomaaliya annaga gacanteena ayey ku jirtaa odayaasheena ayey ku jirtaa, mujtamaceena ayey ku jirtaa, inaga waxa nalaga rabaa inaan sameyno history ama taarikh, dadka noogu fiican oo aanu is leenahay waa lageyn karaa goobta ayaan geynaynaa, waa in la geeyaa Soomaali wax ugu taraan, Puntlandna ay u matalaan, ayna ka soo baxan madaxdii Soomaaliya hogaamin laheyd, cirka lagama keenayo ee halkaas ayey soo marayaan, taas ayaa hadda nalaga rabaa howshaas ayaan u fadhiisaneynaa, waxana nalaga rabaa wax cusub oo taarikhda gala, bishan inta ka hartay iyo bisha soo socota illaa 20-keeda”.
Mar uu ka hadlayey heshiis dhexmaray maamulka Puntland iyo dowladda Kilinka Shanaad ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Waxa aan dhowr cisho joognay Itoobiya gaar ahaan deeganka annaga na soo xiga oo aan dhowr jeer heshiis aanu galnay, waa tii anniga iyo wafdi aan hogaaminayo aan tagnay, guul weyn ayaan kala soo kulanay iyo wax tarka, sidoo kale deeq waxbarasho ayaan ka soo helnay oo awal arday badan ayaa halakaas wax ku baraneysay oo reer Puntland ah, sidoo kale heshiis ayaan gaarnay oo ah in la iska kaashado qolyaha dhibka ka dhexwada labada dhinac, haloo sheego qolyahaasi qaska naga dhexwada gacan bir ah ayaa lagu qaban doonaa”.

All Posts
BBC 0400 GMT








