March 30, 2015 | Posted by admin

Codbixinta doorashada guud ee Nigeria ayaa maalintii labaad waxa ay ka sii socon doonta qaybo ka mid ah dalkaasi, maadaama ay shalay oo Sabti ahayd ay soo bexeen dhibaatooyin farsamo.
Waxaa arrinta kaga sii daray meelaha qaar oo qalabki loogu talagay inuu akhriyo kaararka codbixinta si wanaagsan u shaqeyn waayay.
Hasayeeshee deegaano kale ayaa malaayiin qof oo Nigerian ah waxa ay codkooda ku dhiibteen si guul ah.
Sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa BBC u sheegay in dib u dhaca doorashadu aanay ahayn ‘arrin ku baahsan dalka oo dhan’’.
Cilado dhinaca farsamada ah iyo qalabkii elektarooniga oo shaqeyn waayay ayaa waxa uu sababay in meelaha qaar wakhti dambe ay billaabato codbixinta.
Madaxweynaha xilka haya Goodluck Jonathan ayaa waxa uu wajahayaa Jen. Mahammadu Buhari oo ugu cad-cad musharaxiinta xisbiyadda mucaaradka .
Doorashadan waxa la tilmaamayaa in ay tahay tii ugu loolanka adkayd tan iyo wixii ka dambeeyey 1999-kii oo ay Nigeria u gudubtay nidaamka dimoquraadiyadda.
Natiijada kama dambaysta ah waxa la filayaa wixii ka dambeeya isniinta.

COMMENTS