July 28, 2016 | Posted by daacad yare

Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daa’uud maxamed, ayaa Soomaaliya ugu qeybgali doona tartanka ciyaaraha Olympicda dalka Brazil ka furmi doona bisha soo socota ee August.

Orodka 400 oo M ah ayay ka qeybgali doontaa Maryan, halka Maxamed oo kamid noqon doona ciyaaryahnada 5,000 M kaas oo ah orodka dheer, waxayna u noqon doontaa markii ugu horeysay oo Maxamed uu ka qeybgalo tartan caalami ah.

Maxamed Daa’uud Maxamed ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo u waramay wargeyska NewVision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in Soomaaliya u matalo tartankaas isagoo sita calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maryan waxaa ay horey ugu qeybgashay tartano goboleed iyo mid caalami ah, waxaana kamid ahaa tartanada dhalinyarada caalamka ee lagu qabtay dalalka; Kenya, jamhuuriyadda Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia, China iyo wadamo kale.

COMMENTS