July 30, 2016 | Posted by daacad yare

Ciyaarihii maamul gobaleedyada ee ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya xulkii uga qayb galay maamulka puntland kuna guuleestay koobkii ayaa la sheegayaa in muqdisho uu ku xajiran yihiin.

Warar hoose oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xulkaasi uu hada kusugan yahay magaalada muqdisho.

Sababta ayaa lagu sheegay in diyaardihii aadi jiray magaalada galkacayo aysan bixi sababo la xariira garoonka galkacayo oo xiran.

Masuuliyiinta puntland iyo dowlada soomaaliya wili ma aysan ka hadlin arimahaasi.

COMMENTS