June 13, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa sheegaya in Magaalada boosaaso xiligaan ay Noqotay meel aad u kulul.

Cimillada Magaalada Boosaaso ayaa Ah meel aad u kulul waxaa la tilmaamayaa in shacabka Qaar kood ay halkaa ka guureen.

Kuleel xoog leh ayaa ka jira Magaalada Waxaana shacabka ay doonayaan meel ka yara qaboow Boosaaso, Sidaa waxaa warbaahinta usheegay dadka Deegaanka.

Boosaaso Waa Magaalo qadiimi ah waana Magaalada Dhanka Ganacsiga  aad ugu Horayso, waxayna hada Tahay Magaalada Ganacsiga Puntland.

Shacabka ayaa doonaya Meel ka yara Cimila Qaboow maadaama lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS