February 12, 2013 | Posted by admin

Digtoor Cabdi Raxiim Riixaani oo isagu Caalim si gaara ugu ah raadadki Zamaanadi hore ayaa dhawaan climi baaris dayax gacmeed ku qotonta ku soo saaray  goobti ay ku wada kulmeen Nabiyu laahi Muuse iyo adoonki  wardiga shahaadada weheshan jiray saalaxa ah ee Khadar .. Digtoor al-caalim Riixaani oo asal ahaan u dhashay dalkaas Masar waxuu sheegay  in majmaca baxreynka ee alle Qawlkiisa ku tilmaamay suurada al-kahaf  gaara ahaan aayada 60aad illa 82 ay ku taalo mandiqada Ras maxamed ee ku taal magaalada Sharm-sheekh masar ee ay ku wada kulmaan biyaha Khaliij Caqaba Iyo Khaliijka Suweys ee konfurta Siinai

Digtoor Riixaani isagoo adeegsaday  dayax gacmeedka casriga ee qaada sawirada dhulka hoose ayaa si xadadan u tilmaamay  gobti Sakhrada (dhagaxi) ay ku wada kulmeen Nabi Muuse  CSW Iyo Adoonki saalaxa ahaa ee Khadar  CS waqti laga joogo 3200 sano.

Caalimka ayaa hadalkiisi raacshay in masaafadi Malaayiga-xuutka u isaga jaray dhagaxa iyo Biyaha bada,  ay dhameyd masaafo 2km , isla markaa Nabi Muuse halka u miyirkiisa ku xasuustay Xuutki qadada u ahaa iyo dhagaxi u ka yimd waxaa lagu qiyaasay iyadana 2km .. sido kale marsada-dekada ay doonta ka raaceen Nabi Muuse iyo Adoonka Alle Khadar waxay dhagaxa( Sakhrah) u jirta 300 oo mitir.

Sida la sheegay Doonta la xusay waxay ka timid xaga iyo Zuweys waxayna u socotay xaga iyo Khalijka Caqaba oo waqtigaas ahayd dhabo ay ku sugan-yihiin  boqoro horror ah muruq ku faanaya oo doomaha dadka tabarta daran maalin iyo leyl lagu afduubto.

Waxaa xusid mudan waa sida taariikhda dad qoreene in Qoomkii reer Bani israaiil ay Nabigoodi Muuse CS weydiiyeen cida aduunkaan ugu cilmi sareysa waxaana u ku jawaabay ayaa la yiri inu isagu yahay kan wax badan alle ka sokow wax Og kadibna jawaabtaas awgeed ayaa alle halkaas u diray si u ula kulmo adoon saalaxa oo majmaca badaha jooga si u ogaado awooda cilmigiisa sida ay u xadadantahay..

COMMENTS