April 29, 2017 | Posted by admin

Madaxweyne Wadanka maraykanka Mr Trump ayaa dhaliilay heshiiska
difaaca ee Maraykanku uu kula jiro
boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuuna
sheegay in uu yahay mid hal dhinac u janjeera
oo Sacuudiga dan u ah.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay
in Sacudigu uu maraykanka ula dhaqmayo si aan
dhexdhexaad ahayn, sababtana wuxuu ku
sheegay in Maraykanka ay dhaqaale badan kaga
baxdo difaaciidda Sacuudiga, waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Bishii hore ayay dadka Sacuudiga ka faalooda
sheegeen in uu soo hagaagay calaaqaadka
labadan dal ee xulafada ah tan iyo wixii ka
damabeeyay wadahadaladii uu ku xigeenka dhaxal
sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman la
yeeshay Donald Trump.

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale wakaaladda
wararka ee Reuters u xaqiijiyay in Aqalka Cad ee
looga arrimiyo Maraykanku uu ka baaraandagayo
macquulnimada in uu madaxweynuhu booqdo
Sacuudiga iyo Israa’iil dhamaadka bisha soo
socota.

Maxamed daacad Muqisho.

[email protected].

COMMENTS