September 9, 2014 | Posted by admin

640x360xDholawaa-1.jpg.pagespeed.ic._hfNiEQLxU
Boosaaso(RBC Radio) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Macdanta Iyo Shidaalka Dawladda Puntland Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa) ayaa maanta ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Dowladda Federaalka ee ku saabsanaa arrimaha Shidaal baarista dalka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Macdanta Iyo Shidaalka oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Boosaaso ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeyey Shidaal baarista dalka ,wuxuuna sheegay iney Xaq u leedahay Puntland iney soo saarato shidaalkeeda.

Wuxuu xusay in Dawladda Federaalka Soomaaliya go’aanka ay ka gaartay inaan maamulada dalka lala geli karin wax heshiis ah oo dhanka Shidaalka iyo macdanta oo aan la soo marsiin dowladda Federaalka in taas tahay mid khaldan isla markaana hareermarsan Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka.

………”” Dowladda Puntland iyo federaalka xiriirkooda oo marki horeba aan sidaa u wanaagsanayn waxa uu go’ay , waaana mid sharci darro ah in ay sheegtaan inay masuul ka yihiin arriha shidaalka Puntland………””’ayuu yiri Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa).
Mudane Ciise Dhoolawaa ayaa tilmaamay in Dastuurka Puntland iyo Kan Federaalkuba uu dhigayo iney awood u leedahay Puntland iney heshiis dhanka Shidaal baarista iyo macdanta la geli karto Shirkadaha baara shidaalka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Macdanta Iyo Shidaalka Dawladda Puntland Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa) ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay dawladda Federaalka uusan saameyn ku yeelan doonin heshiisyadii ay ku jirtay Puntland ee dhanka Shidaal qodista.

Mar uu ka hadlay qodista Shidaalka iyo macdanta Puntland ayuu sheegay Agaasimuhu in hadda meel fiican mareyso rajadii laga qabay in Puntland lasoo baxdo Shidaal ay shacabkeedu intifaacsadaan Mustaqbalka.

……..””’Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa loo ogol yahay afar qodob oo kala ah difaaca dalka, bixinta jinsiyadaha iyo socdaalka, sameynta lacagta iyo arrimaha dibadda wxii kale waxaa xaq u leh dowladda Puntland…….””ayuu yiri .
Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Shirkadaha qaabilsan baarista Shidaalka aysan wax heshiis ah la geli karin maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya .

COMMENTS