December 10, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta Abdullahi Elmoge/Duhur Media

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in horraanta sannadka cusub ee foodda nagu soo hayo dib loo hawlgelin doono xafiisyada boostada iyo isgaarsiinta oo xirnaa muddo ka badan 20 sano.

Inkastoo, ay gebi ahaanba burbureen kaabayaasha isgaarsiinta, bangiyada, waddooyinka iyo adeegyada bulshada ayuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay inay wasaaraddiisa sida ugu dhaqsaha badan u suurtageliso dib u furidda adeegyada aasaasiga ah ee boostada iyo isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya.

Ciil-mooge wuxuu sheegay in Soomaaliya laga cafiyay lacag deyn aheyd oo dhan hal milyan iyo bar oo dollar, laguna lahaa adeegyada boostada iyo isgaarsiinta dalka xilligii dowladdii dhexe.

Dib u howlgelinta adeegyada boostada ayaa ahmiyad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ku khasbanaa inay hababkii waayadii hore u isticmaalaan diridda alaabtooda iyo waraaqahooda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa boosta ahaan u isticmaali jireen 20-kii sano dadyowga safarka ah ee donaya halka ay markaasi u sii safrayaan iyadoo gacan iskuu dhiib ahayd taasna aysan ahayn nadaam dowladeed balse ay ka fursan waayeen oo daruufi ku kaliftay.

COMMENTS