September 14, 2014 | Posted by admin

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay tuulooyinka Moqokori, Yasooman iyo Aboorrey ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa tuulooyinkan kula wareegay si nabadgelyo ah kadib markii ay isaga baxeen malleeshiyaadki Shabaab ee deegaannadaasi dadka ku dhibaateeyn jiray, waxaana ciidamada si farxad leh usoo dhaweeyay bulshada ku dhaqan tuulooyinkaasi.

Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in tuulooyinkaasi la soo geliyay gacanta dowladda.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa ku dhawaaqay in malleeshiyaadki Al Shabaab laga wada saaray gebi ahaanba gobolka Hiiraan, marka laga reebo meelo yar yar oo ay si dhuumaaleysi ah ku jooggaan.

Howlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa si dar dar leh uga socda qeybo ka mid ah dalka, iyadoo ciidamadu ku guuleeysteen ineey Shabaab ka xoreeyaan inta badan deegaannadi ay gacanta ku hayeen.

COMMENTS