December 18, 2014 | Posted by admin

20141218635544935848006630P1140068
Ciidankii ka socday dalka Sierra Leone ee qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa dalka ka baxay maanta, waxaana la sheegay inay dalka uga baxeen go’aan kasoo baxay ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Kismaayo uga qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay ciidamadan ayaa sheegay in laba sababood ay uga baxayaan ciidamada Sierra Leone dalka, kuwaasoo kala ah go’aan kasoo baxay Midowga Afrika iyo duruufo la xiriira cudurka Ebola oo fara baas ku haya dalal ay Sierra Leone ka mid tahay.

“Ciidamada Sierra Leone howl wanaagsan ayay dalka ka qabteen muddadii ay ku sugnaayeen, mana illoobi doonno kaalintii ay ka qaateen amni kusoo celinta gobollada Jubbooyinka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa intaas ku daray. “Ka bixitaanka ciidamada Sierra Leone ay Somalia ka baxayaan waa mid ku timid go’aan kasoo baxay ururka Midowga Afrika iyo duruufo kale oo uu ugu horreeyo cudurka Ebola oo dalal ay Sierra Leone ku jirto fara baas ku haya.”

Waxaa isaguna goobta ka hadlay madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in ciidamada Sierra Leone ay howl aad u fiican qabteen intii ay gobollada Jubbooyinka ku sugnaayeen

“Askarta Sierra Leone waxay dalka ka qabteen howlo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah, waana uga mahadcelinayaa, waxaana lagu bedeli doonaa kuwo ka socda dalalka Kenya iyo Itoobiya,” ayuu yiri Sh. Axmed Madoobe.

Taliyaha ciidanka AMISOM qaybta ka howsha gobollada Jubbooyinka, Jen. Alio oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamada dalka Sierra Leone ay howl-karnimo dheeraad ah sameeyeen intii ay joogeen Somalia ay kaalin ka qaateen nabadeynta dalka.

“Howlaha ay AMISOM ka hayso Somalia ma hakan doonaan waana sii socon doonaan, aad baanan ugu faraxsanahay marxaladda ay Soomaaliya marayso marka la eego dhinaca amniga; horumar ayaana ka sameynayaa dagaalka aan kula jirto Al-shabaab,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada Sierra Leone ka socda oo tiradoodu ahayd illaa 1,000 askari ayaa Soomaaliya la keenay dhammaadkii bishii Abriil ee 2013-kii, iyadoo loo wareejiyay gobollada ku yaalla Koonfurta Somalia ee Jubbooyinka, halkaasoo ay kala howlgalayeen ciidamada ka socda dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, sababta ugu weyn ee ay ciidamada dalka Sierra Leone uga baxeen Soomaaliya ayaa ah cudurka Ebola ee dalkooda ka jira, maadaama aan la keeni karin dalka ciidammo bedela kuwa Somalia joogay. Taasoo ka ah qayb ah sidii looga hortegi lahaa in cudurka Ebola uusan soo gelin Geeska Afrika.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/Dec/wararka_maanta18-89401.htm#sthash.c6529lAb.dpuf

COMMENTS