October 27, 2014 | Posted by admin

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay caawa hawlgal lagu xaqiijinaayo ammaanka ay ka sameeyeen xaafada 5-ta geed ee Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Hawlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinaayo ammaanka, ayaa waxay Xoogaga Nabad Suggida ay dadku ka qab qabanayeen laamiga, sidoo kalana waxay tiro rag ah ka soo qab qabteen biibitooyinka ku yaala agagaaraha Masaajita 5-ta geed.

Nabad Suggida, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo shaararka ka siibaaya raggii ay soo qab qabteen, isla-markaana indhaha kaga xir xiraaya. Iyagoo markaasi kaga digaaya inay iska furaan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka badbaaday qab qabashadaasi, ayaa waxa uu sheegay in Nabad Suggida ay wadatay 7 ka mid ah gaadiidka dagaalka, isla-markaana ay horey ugu sii kaxeysatay raggii ay qab qabteen, oo tiradoodu uu ku sheegay in ka badan 40 nin.

Ragga la qab qabtay, ayaa waxay ka tirsan yihiin dadka deegaanka, balse Xoogaga Nabad Suggida waxay kaga shakisan yihiin inay cilaaqaad ka lee yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

COMMENTS