January 7, 2018 | Posted by admin

Inta La Xaqeejiyay Hal askari ayaa ku dhintey mid kalana waa uu ku dhaawacmay iskahorimaad ku dhex maray magaalada Muqdisho, ciidamo Boolis ah iyo kuwo nabadsugid ah.

 

Iskahorimaadkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhiga Booliiska degmada Howlwadaag oo aanan sidaa u kala fogeyn.

Goobta israsaaseynta ka bilaabatay ayaa waxaa taagnaa gaadiid badan oo dad rayid ah ay saarnaayeen hase yeeshee mar jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Iskahorimaadkan ayaa joogsaday kadib markii ciidamo kale ay halkaa gaareen lama oga sababta dhabta ah ee keentay iskahorimaadkan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca iskahorimaad hubeysan oo dhex mara ciidamada dowlada.

COMMENTS