January 8, 2017 | Posted by admin

dagaal

Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa  ka dhacay iska hor imaad khasaare geystay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, kadib markii ay ku murmeen maamulida bar kontarool oo ay gaadiidku maraan oo ku taala afaafka hore ee degmada Warshiiq.

Sida la sheegay iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhimatay Saddex Askari oo  ka kala tirsan Dhinac yadii Dagaalamay, iyadoo khilaafka labada dhinac uu soo jiitamayay maalmihii la soo dhaafay.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxa uu iska hor imaad uu Degmada Warshiiq ugu dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Warshiikh Wili ma aysan ka hadlin Dagaalka Halkaasi Maanta ka dhacay.

Maxamed Dacaad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS