October 8, 2017 | Posted by admin

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka Jubbaland ayaa ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u  xaqiijiyay in dagaalka uu goor-dhaw ka bilaawday agagaarka Madaxtooyada Kismaayo.

Sarkaal ka mid ah maamulka Jubbaland oo ku sugan Kismaayo ayaa  sheegay in uu arkay dhimashada 3 qof oo u badan Ciidan walina uu dagaalka socdo.

Saraakiisha Caafimaadka Kismaayo ayaa sidoo kale Xaqiijiyay in ay loo keenay dhaawaca ilaa 7 qof oo ay shacab ku jiraan.

Lama oga waxa sababay dagaalka balse waxaa la xaqiijiyay in wali uu ka socdo meel ku dhaw Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose oo ay maanta gaareen Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Dalka.

COMMENTS