October 9, 2016 | Posted by admin

Madaxwaynaha maamulka galmudug cabdi kariin xuseen guuleed ayaa sheegay in maanta tababar loo soo xirayo Ciidamo Bolis ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa gaaraya 400 oo askar Boliis ah waxaana ay qaateen tababar soconayay Mudo 3 Bil ah.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u dhamays tiran yihiin saanada ciidan ee loogu tala galay waxa uuna amaan usoo jeediyay Taliyaha Boliska soomaaliyeed Maxamed shiikh Xasan Xaamud oo sheegay in uu xil iska saaray In ciidamadaan ay tababar qaataan.

Ciidamadaan ayaa noqonaya kuwa qayb ka qaata sugida amniga Deegaanada Galmudug inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS