January 12, 2017 | Posted by admin
Munaasabad lagu qabtay xarunta Dugsiga Tababarada Ciidanka Boliska soomaaliyeed ee Ganaral Kaahiye waxaa ka soo qayb galay Madax kala duwan.
Munaasabada waxaa goob joog ahaa Taliyaha ciidamada Boliska soomaaliyeed maxamed shiikh xasan xaamud, xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali daahir, iyo Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamda Boliska Maxamed shiikh xasan xaamud ayaa sheegay in 67 Askari Tababar loogu so xiray Muqdisho, Halka 15 sarkaal oo Ka tirsan Ciidamada Boliska ay Udhoofayaan Wadanka suudaan Kuwaas oo Tababar leeli Sarkaal ku soo qaadan doona Suudaan.
Askarta Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa in Muda ah Tababar ku qaadanayay Xarunta Ciidanka Boliska ee Ganaral Kaahiye ee Muqdisho.
COMMENTS