October 23, 2016 | Posted by admin

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midawga Afrika Ee AMISOM ayaa Mmaanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM ayaa ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Burundi waxaana ay Sugayaan Ammaanka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Afhayeenka Galmudug Cabdillaahi Xaashi Faarax Roobda’ay ayaa sheegay in Ciidamada la geeyay Cadaado ay sugi doonaan Ammaanka Ergooyinka Doorashada ka qeyb qaadanaya.

Cabdillaahi Xaashi ayaa intaa ku daray in Ciidamada soo gaaray Cadaado ay gaarayaan illaa Boqol Askari,waxaana uu intaa ku daray in kuwo kale ay Magaalada ay soo gaari doonaan.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS