August 31, 2014 | Posted by admin

Ciidamada dowaladda Soomaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa malleeshiyada Al-Shabaab galabta kala wareegay gacan ku haynta degmada kuntuwaarreey ee gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada qabsaday Kuntuwaarreey ayaa ku war galiyey dadka ku nool Kuntuwaarreey in ay adkaynayaan ammaankooda, waxayna ka codsadeen in ay la shaqeeyaan ciidammada.
Wararka laga helayo Kuntuwaarreey ayaa intaas ku daraya in degmada la qabtay, kaddib markii ay ka baxday malleeshiyadii ku sugnayd, kahor inta aysan soo gaarin ciidammada is bahaysanaya.
Qabashada degmada Kuntuwaarreey ee gobolka Shabellaha hoose ayaa qayb ka ah howl-galka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah malleeshiyada Al-Sahabaab, kaas oo ay wada jir u fulinayaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISON, waxayna shalay kula wareegeen deegaanka Buulo-mareer ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

COMMENTS