December 4, 2012 | Posted by admin

Muqdisho- Dagaalo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo waliba ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen deegaano ku dhow dhow degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay ku waramayaan dadka deegaanka degmada Balcad.

Dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegaya in xaalada ay noqotay mid kacsan markii Al-shabaab ay weerarka xoogan soo qaadeen.

Inta laga warqabo afar ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya.

Saraakiisha Al-Shabaab iyo waliba kuwa dowlada Soomaaliya ilaa iyo iminka kama aysan hadlin dagaaladaan ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanada kala duwan ee gobalkaasi shabeelaha Dhexe.

COMMENTS