August 22, 2014 | Posted by admin

Wararka laga helaayo Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool.

Labada ciidan oo dhowr goobood kaga dhaqaaqay Degmada Tayeeglow, ayaa waxay taasi keentay in iska caabin xoogan ay kala kulmaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Dagaalka oo qaatay muddo dhowr saacadood oo xiriir ah, ayaa waxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo sidoo kalana lagu gubay laba ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Ciidamadu waxay xoog kula wareegeen daafacyadii Shabaabka oo dhan, iyagoona gudaha isugu ballaariyay Degmada Tayeeglow, oo noqoneyso Degmadii ugu dambeysay oo ay Shabaabku ka jooggeen Gobolka Bakool.

Dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo rayid ah, markii ay guryahoodu ku soo dhaceen madaafiicdii lees weydaarsanaayay, sidoo kalana waxaa jira dad kaloo ku dhaawacmay madaafiicda.

Sarkaal diiday in magaciis Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegaaya in galabta ay Al Shabaab la galeen dagaalkii ugu cuslaa, ee muddooyinkaan dambe ka dhaca Bakool. Isla-markaana ay dagaalku ku waayeen ilaa 9 askari. Inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaaya in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Waxaan si dhab ah loo garanayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalkaan ka soo gaaray mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo caawa ku hooyanaaya banaanada hore ee Degmada Tayeeglow.

COMMENTS