December 2, 2017 | Posted by admin

Ciidamada dowladda ayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxa ay ka wadaan hawlgal baaritaan gaadiidka ah, iyadoo la dareemaayo feejignaan dhanka ammaanka ah.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa waxaa baaris xooga lagu haayaa gaadiidka kala duwan ee halkaasi maraya, sidoo kale ciidamada ayaa baaraya gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka dowladda oo ay waydiinayaan aqoonsi.

Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaayay gaari ay saaran yihiin ciidanka Booliska oo la hubinaayay, waxaana hubinaayay ciidamo ka tirsan Nabad Suggida, gaar ahaan Kuwa Xalinta.

Waxaa si wayn loo Hubinayaa Ciidamada Libisan Dariiska Ciidamada Gaar ahaan kuwa Milateriga, Waxaa La waydiinaa Aqoonsiyo iyo Halka ay ka Tirsan yihiin.

Lama oga Sababaha Keenay Baaritaanka, Hasa yeeshee Wararka Qaar ayaa sheegaya in uu Jiro Tuhuno la xariira Dhinaca amniga oo ay Wadaan Alshabaab.

COMMENTS