September 7, 2015 | Posted by admin

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa ka cabanaya mushaar la’aan heysata muddo bilooyin ah, iyadoo dowladda Uganda xaqiijisay in ciidankeeda jooga Soomaaliya ay wax mushaar ah helin.

Sida ay qortay Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda oo soo xiganayay Saraakiisha AMISOM in muddo sagaal bilood ah aanay wax mushaar ah qaadan Ciidamada Uganda qeybta 14aad.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan qeybta 14aad oo Soomaaliya la geeyay bishii October ee sanadkii hore aysan wax mushaaraad helin markii lagu bedelay Ciidamo horay u joogay Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay inay jirto mushaar la’aanta heysata Ciidamada AMISOM, hase ahaatee waxaa uu diiday in muddo 9-bilood uu mushaarka ka maqan yahay.

Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadaas uu mushaarka ka maqan yahay muddo shan bilood oo kaliya.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Uganda Lt Gen, Charles Angina ayaa ku booqday Ciidamada Uganda saldhig ay ku leeyihiin magaalada Marka, si uu niyada ugu dhiso ciidamada, maadaama askarta ay shalayto dareemayaan.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamada ugu badan ee howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

COMMENTS