June 4, 2012 | Posted by admin

Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa markii u horeysay ka howl bilaabay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kadib markii dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, iyadoo horay wadadaas ay u laheyd Ciidamo taraafiko ah oo Al-Shabaab u sameysay inay kala hagaan gaadiidka isaga kala goosha baadna ay ka qaadi jireen shacabka.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ah wado mashquul ah oo ay isaga kala gooshaan gaadiidka aada Gobolada Koofur, waqooyi iyo galbeed ayaa ah halka wado ee ay maraan gaadiidka, iyadoo mararka qaar ay dhacaan in wadado xiranto.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada wadooyinka ay ka qeyb qaadan doonaan dib u soo celinta amniga iyo kala hagida gawaarida. “Ciidamada Taraafikada waxaan hada geynay Ceelasha Biyaha, Afgooye, meel kasta waa geyneynaa, waxay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka, ilaalinta sharciyada wadooyinka, hadii xataa Marka la tago waa geyneynaa”ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah deegaan ganacsi ballaaran ka jira ayaa wadada laamiga ee marta waxaa isticmaala gaadiidka xamuulka ee badeecadaha iyo bagaashka ka soo qaada Dekeda Muqdisho.

COMMENTS