December 10, 2012 | Posted by admin

Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu dilay afar haween ah taasi oo faah faahino kasoo baxayaan qaabka dilkooda uu ku dhacay.

Waxa dad kusugan magaalada Kismaayo ay ku waramayaan in falka uu udhacay kadib markii shabaab dhaawac ahaa oo lagu daweynayey guri kuyaalla Xaafad ka mid ah kismaayo ay ka war heleen ciidamada Raaskambooni islamarkaana ay isku gadaameen gurigaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada doonayeen in gudaha guriga ugalaan hayeeshee waxaa is hortaag ku sameeyay afar haween ah oo kusugnaa gurigaasi.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay haweenka kadib markii ay ka dhago adeegeen amarkii ciidmada taasina waxay sababtay in afarta haweenka ah ku dhinteen rasaastaasi.

Ciidamada markii ay gudaha guriga ugaleen ayaa waxa la sheegay inay goobta kusoo arkeen faashado dhiig leh oo loo maleynayo in shabaab dhaawac ahaa halkaasi lagu daweynayey.

Afarta Haween ee lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Raaskambooni sheegeen afarta haween ee la dilay inay ahaayeen kuwo shabaab ahaa waxii faah faahin ah ee ka soo baxana dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haduu alle idmo.

COMMENTS