December 7, 2016 | Posted by admin

Warar isasoo taraya ayaa kasoo baxaya dib ula wareegitaanka Maantan ee ciidamada Puntland Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo ay maanta  si buuxda gacanta ugu dhigeen ka dib muddo bil iyo bar ah oo ay degmadaasi gacanta ugu jirta Koox  taabacsan Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Difaaca Puntland ee Badda iyo Berrigu ay Qandala gaareen xilli ay faaruq tahay oo ay iskaga baxeen maleeshiyaadkii Maamulayey,

waloow wararku intaas ku darayaan meelo magaalada ka baxsan uu ka dhacay dagaal qabow oo aan khasaare badan gaysan.

Kooxda Daacish ee laga saaray  qandala ayaa markii ay ogaadeen in ciidanku qarka u saaran yahay isaga baxay dhulka Buuralayda ah ee Qandala oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamadooda.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo horkacayey Hawlgalka Qandala ayaa sheegay in ay ku waja wayn yihiin in deegaanada Puntland ay ka saaraan Kooxda Daacish.

Maxmed Daacad Muqdisho.

COMMENTS