May 30, 2017 | Posted by admin

Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaan ayaa yimid ka dib markii Qarax miino ah Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee  xarunta Jubbaland.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uusan ka geysan Wax qasaara ah.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay Dhalinyaro tiradooda ay kor u dhaafeyso 10 Qof, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay xiriir lala leeyihiin Al-Shabaab.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected].

COMMENTS