February 2, 2013 | Posted by admin

Dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay galbeedka magaalada B/weyn, iyadoo dagaalka uu socday muddo saacado iyo bar.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidamada Jabuuti ku lahaayeen galbeedka magaalada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka, kaasoo ahaa mid saameeyay xaafadaha galbeed ee magaalada, waxaana saaka laga dareemayaa magaalada oo idil dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Inji ayaa sheegay in Al-Shabaab ka dileen ilaa sagaal ruux, ayna jiraan dhaawacyo ay qaateen, isagoo tilmaamay in weerarkii xalay lagu soo qaaday iska caabiyeen.

Waxaa uu sheegay in saddex ruux oo mid haweeney aheyd ay ku dhaawacmeen madfac habow ah oo gurigooda ugu yimid, isla markaana aanay jirin qasaare kale oo ka dhashay dagaalkii xalay.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ayaa saaka u dhaqaaqay deegaano duleedka ka ah B/weyn, halkaasoo la aamisan yahay in Al-Shabaab weerarka ka soo qaadeen, waxaana saaka degan xaalada magaalada.

Waa dagaalkii u horeeyay ee ciidamada Jabuuti ay la galaan Al-Shabaab tan iyo markii ay soo gaareen magaalada, iyadoo dagaalkan ku soo aadayo xilli magaalada B/weyn xaaladeeda amaan uu soo wanaagsanayay mudooyinkii u dambeeyay.

COMMENTS