April 22, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanya degmada
Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in
howlgal ay sameeyeen caawa ciidamada xoogga
dalka ay ku dileen askari dil u geystey mid
kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee
dalka Jabuuti.
Howlgalkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen
guutadii uu ka tirsanaa askarigan oo labo
maalmood kahor toogasho ku diley askari ka
tirsan ciidamada Jabuti ee ka howlgala
magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askarigan
uu dagaal kala horyimid ciidamada baadigoob
ugu jirtey waxana halkaas rasaas la is
weydaarsaday uu ku dhintey askariga dilka
geystey.
Meydka askarigan iyo qori uu lahaa askarigii uu
diley ayaa la keenay caawa magaalada
Buuloburte, hase yeeshee waxaa howlgalka ay
saeeyeen ciidamada guutada 10aad ee xoogga
dalka la sheegay inuu ka baxsaday qof
wehelinayay askariga la diley.
Degmada Buuloburte ayaa waxaa  gaaray
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle
Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay weheliyaan qaar
ka tirsan golaha wasiirada
Hirshabelle,xildhibaano iyo guddoomiyaha
gobolka Hiiraan.

Maaxmed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS