January 7, 2015 | Posted by admin

Ciidamada Itoobiya ee Howlgalka AMISOM qeybta ka ah ayaa waxa la sheegay in degmada Luuq ee Gobolka Gedo kuxireen labo Nabadoon oo ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano Degamdaasi.

Odayaasha ayaa la xiray kadib markii shir beeleed ay ku yeesheen Magaalada luuq lamana oga waxyaabaha ay ciidanka Itoobiya uxireen waxgaradkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cusmaan ayaa saxaafada uxaqiijiyey xariga labada Oday dhaqameed ay ciidanka Itoobiyaanku Xabsiga utaxaabeen.

Waxa uu ku baaqay Gudoomiye Xuseen in lasoo daayo odayaasha ciidanka Itoobiya xireen islamarkaana ay cambaareynayaan.

Labada Oday dhaqameed ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Nabadoon C/raxmaan Nuur Ibraahim (Qajaajaa) iyo Maxamed Axmed Samatar (Dal joog).

 

 

COMMENTS