December 29, 2012 | Posted by admin

Wararka ka imaanayo magaalada Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal khasaare xoogani geystay uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

Sida wararku ay sheegayaan dagaalkan ayaa yimid kadib weerar ay ciidamada Shabaab ku qaadeen xoogaga iskaashanya ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.

Warar madax bannaan ayaa tilmaamaya in labada dhinac dagaalkii dhexmaray ay ku dhinteen afar ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo soo kala gaaray labada garab.

Dadka ku dhaqan degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa aanay hurdin oo ay ku jaha wareereen madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen kadib roondo ciidanku ay sameeyeen inay keentay dagaal saacado socday.

Sarkaalka u hadlay dowladda ayaana sheegin khasaare ciidamada xoogga soo gaaray balse wuxuu tilmaamay in la baacsaday xoogagii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Ma jiro war ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalka dhimashada iyo dhaawaca geystay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

Xaaladda ayaa saaka deggan waxaana la soo sheegayaa in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu suganyihiin deegaannadii lagu dagaallamay ee ka tirsan degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha hoose

COMMENTS